Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 30 2008
Maxkamadaha Islaamka iyo Ururka Al-Shabaab oo Sheegay in La Dagaalanka Argagixisada
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 30 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)-Afhayeenno u kala hadlay Maxkmadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in uu socdo qorshe uu Mareykanka dib ugu soo nooleynayo Isbaheysigii Ladagaalanka Argagixisada.

 

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in Mareykanka uu mar kale isku dayayo in uu soo nooleeyo Isbaheysiga ladagaalanka Argagixisada oo ay ku mideysnaayeen Hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, wuxuuse sheegay in ay mar kale la dagaallamayaan Hoggaamiye Kooxeedyadaas.

 

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay la socdaan qorshaha uu Mareykanka ku doonayo inuu ku soo celiyo Isbaheysigaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay weliba ogyihiin in lagu soo biirinayo Hoggaamiye kooxeedyo kale oo hor leh.

 

Sidoo kalena Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa isna sheegay in ay dib u soo nooleynta Isbaheysigaas u yimaadeen Soomaaliya Saraakiil ka tirsan CIA-da Mareykanka, kuwaasi oo wada hadallo la qaatay qaar ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaalida.

 

Cabdiraxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in aysan waxba u arkeynin dib u abaabulidda lagu wado Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay mar kale la dagaallami doonaan haddii ay dib u soo noqdaan Hoggaamiye kooxeedyadaas.

 

Hadalka ay labadan Afhayeen sii daayeen ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, iyadoo shalay Xildhibaannada Beelaha Digil iyo Mirifle ugu jira Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo Baydhabo shir ku yeeshay ay sheegeen in ay la dagaallami doonaan Xoogagga Al-Shabaab oo ay sheegeen in ay falal nabadgelyo daro ah ka wadaan deegaannada ay degaan Beelaha Digil iyo Mirifle.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >